Maktabadda Dadweynaha Toronto waxay bixisaa adeegyo badan, oo dhammaan Lacag la’aan ah, si ay kaaga caawiyaan inaad degtid magaalada cusub.

Nagu soo booqo:

  • Hel Kaarka-maktabadda .. Waa lacag la'aan . Waxaad keliya ee aad u baahan tahay 2 dokumenti oo aqoonsi ah, oo mid ku yaalaan magacaaga iyo cinwaankaaga
  • Isticmaal Kombuyuuterka laga heli karo dhammaan 100ka laamood ee Maktabadda oo leh Internet, barnaamijyada wax lagu qoro ee word-process iyo xarun macluumaad badan aad ka heli kartid.
  • Ku xiro internetka wifi lacag la’aanta ah dhammaan laamaha maktabadda
  • Amaaho buug, filimaan, iyo waxyaabo kale oo badan adiga oo qof ahaan la’aanta tagaya ama internetka gelaya. Qoraalada Maktabadda waxaa laga heli karaa in ka badan 40 luqadood.
  • La kulan shaqaalaha dejinta kuwaas oo kaa caawin kara shaqo raadinta, helitaanka ruqsadda darawalnimada iyo wax ka badan.
  • Ka qaybgal fasallada barashada iyo ku hadalka luqadda Ingriiska.
  • Kasoo miinguurso internetka wacyaabo badan ee kale duwan oo ay ka mid tahay macluumaad elektroniga ee waayeelka iyo carruurta oo u ka mid yahay qalabka barashada Ingiriiska ee Luqad Labbaad ahaan.
  • Kaalay barnaamijyadayada oo ka hadlaya mawduucyo badan ee kala duwan, oo ay ku jirto sida loo bilaabo ganacsiga yar-yar, wakhtiyada sheekooyinka ee carruurta, iyo shaqo raadinta
  • La xiriir shaqaalaha maktabada ee in ka badan 100 laamood.. Waxaan soo dhawaynaynaa su'aalahaaga annaga oo rajeyneyna inaan ku caawinno. Waxaan awood u leenahay inaan helno turjubaanada luqado badan oo kala duwan.

Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan shaqaalaha Maktabadda Dadweynaha ee Toronto waxaan ku hanweynahay inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u kulanno oo aan u wadaagno khayraad badan si aad u guuleysatid!